Madaxweynaha Somaliland oo Ballan Qaaday Inuu Wax Walba u Hurayo Qabsoomidda Doorashooyinka

Hargaysa Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay wax walba u hurayso sidii ay dalka uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinka axsaabta, iyo ta madaxtooyadda.

Madaxweynaha ayaa shacbiga reer Somaliland kula dar-daarmay inay u diyaar garoobaan doorashooyinkaasi innagu soo foolka leh, isla markaana qof waliba uu codkiisa siiyo cidda uu doonayo, si walaaltinimo leh oo aan colaad lahayn.

Waxaanu tilmaamay in xukuumadiisu ay miisaaniyadda qaranka ee sanadka soo socda ee 2023-ka ay arrinta doorashooyinka mudnaan gaar ah siisay.

Isagoo xusay miisaaniyadda sannadka 2023- in ay arrimaha doorashooyinka axsaabta, iyo doorashadda, iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay u qoon daysay lacag lacag dhan 15 Milyan oo dollar.

Madaxweyne Biixi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu wasiirrada uga jeediyay shirkii golaha wasiirrada xukuumadda ee Khamiistii dorraad, shirkaasi oo  Madaxweynuhu  shir guddominayay.

Waxaana shirkaasi golaha wasiirrada lagu ansixiyay miisaaniyadda dawladda ee sanadka soo socda ee 2023-ka, taasoo uu golaha wasiirrada hor keenay wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre.

Madaxweyne Biixi, ayaa wasiirka Maaliyadda ku ammaanay sida uu u soo qorsheeyay miisaaniyadda guud ee qaranka, gaar ahaan sida uu xooga u saaray qarashka loo qoondeeyay inuu ku baxo qabsoomidda doorashooyinka.

Waxaanu yidhi, “Wasiirka Maaliyadda waan ku ammaanayaa siduu u soo qorsheeyay miisaaniyadda guud ee qaranka, xoogana u saaray dhaqaalaha loo qoondeeyay doorashooyinka axsaabta, iyo ta madaxweynaha oo ku xigta,  lacagtaa 15-ka Milyan ee dollar ah, waxaa soo koobaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ilaa 5 Milyan ay u qoondaysnayd, oo imika ay hayaan guddiga doorashooyinka qaranku. Waxay ki filam tahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Lacagtaa diiwaan gelinta, waxaynu u qaadanaynaa doorashooyinku in ay ded-deg isku raacaan, oo aynu ka baxsano kharash danbe oo soo noq noqda”.

Sidoo kale madaxweyne Biixi, waxa uu mid mid isku dul taagay dhaqaalaha loo qoondeeyay inuu ku baxo doorasho kasta iyo diiwaan gelinta cod bixiyeyaashaba.

“Xisbiyadda doorashadoodda, waxaa ku lifaaqan lacagtii diiwaan gelinta oo 5 Milyan oo dollar ah. Markaa waa 10 Milyan xisbiyadda kharashkoodu. Sidoo kale doorashadda madaxtooyadda, iyadna waxay ku gelayaan diiwaangelinta, oo iyadna 5 Milyan baa ku darsamaya, 5-tii Milyan ee kharashkeedda ahaa, waana 10 Milyan, oo dollar” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Geesta kale Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in sababta la isugu soo dhaweeyo doorashooyinka in ay tahay  si loo yareeyo dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka, iyo diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

Maadaama aanay suurto gelaynin in doorasho kasta gaarkeedda diiwaan gelin la qabto, taasoo aynaan qaran ahaan awoodin.

Waxaanu yidhi “Waxan aynu isugu soo dhawaynaa doorashooyinka… qoladda diiwaan gelinta ee hawshaa lihina, ha ku xisaabtanto, waxaynu dhimaynaa 10 Milyan. Haddii doorashooyinka mid walba gaarkeedda diiwaangelin loogu qabto, taasoo qaran ahaan aynaan qaadi karaynin, cidi na aanay innaga caawin karin, qaran ahaan. Fikradaa waan ku