Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Kormeeray Goobaha Ay Ka Socoto Diwaangelinta Wareegeysa Ee Gobolka Xaysimo.

Xaysimo(Warfaafinta)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleeban Yuusuf Cali (Koore) ayaa kormeeray goobaha ay ka socoto diwaan gelinta wareegeysa ee gobolka Xaysimo, Dhaam biyood ku yaala gobolkaasi iyo gooba kale.

Sida uu ku soo waramayo wariye Liibaan Axmed Ciise (Liibaan Qaran) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Sool, waxaana wasiirka kormeerkiisa ku wehelinayey guddoomiyaha gobolka Xaysimo, waxayna kormeer ku soo mareen deegaannada ay ka socoto diwaangelinta wareegaysa, kuwaas oo kala ah, Shaxda, Misirta iyo deegaano kale oo ah dhinaca bari ee gobolka Xaysimo.

Ugu horreyn guddoomiyaha gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed, oo wasiirka warbixin ka siiyey sida ay diwaangelintu uga socoto deegaannadaas ayaa sheegay in dadku si wanaagsan ugu soo baxeen diwaangelinta si ay u helaan xaqooda dawladdana u siiyaan xaqa ay ku leedahay, isaga oo intaas ku daray in deegaanka ay ku sugan yihiin uu 15km u jiro Qardho.

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu deegaannadaas kula kulmo dadka degan oo isdiwaangelinaya, wuxuuna faahfaahin ka siiyey muhiimadda uu kaadhku leeyahay, isaga oo wasiirku tilmaamay in muhiimada kaadhku aanay ku koobnayn doorashada oo kaliya isla amrkaana uu wax badan ka caawinayo.

Geesta kale, wasiirka kormeer ku tagay Dhaam Guryo-san, oo ay ka faa’iidaysan lahaayeen dadka ku dhaqan degmnada Taleex iyo hareeraheeda oo u baahan dayactir waxa wasiirka u warbixiyey guddoomiyaha gobolka Xaysimo oo sheegay inuu u baahan yahay in la hawl galiyo.

Dhankiisana wasiirka warfaafinta Somaliland Saleeban Yuusuf Cali (Koore) ayaa ballan qaaday inuu wasiirka biyaha war buuxa ka siin doono Dhaamkaas iyo baahida ay bulshada deegaankaasi u qabto, si deg-deg ahna wax looga qaban doono.