Wasiirka Warfaafinta oo ka Kulan la Xidhiidha Wacyigelinta COVID 19 la Yeeshay Warbaahinta Dalka

Hargeysa(WarfaafintaJSL)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa  maanta kulan kula yeeshay Xarunta Wasaaradda Madaxda Ururrada Saxaafadda iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta, oo uu kala hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa wacyigelinta Xakameynta xannuunka COVID 19.

Sida uu ku soo warramay Weriye ka tirsan Wakaaladda Wararka ee SOLNA, waxa kaloo kulankaasi goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Waaxda Wacyigelinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdicasiis Maxamed Cali (Maydhax) ayaa  ka warramay ujeeddada kulankaas oo lagu falanqeynayey sidii la iskaga kaashan lahaa wacyigelinta Xannuunka Coronavirus iyo muuneynta Munaasibadda 30 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ee 18ka May.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,  Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sheegay in Warbaahinta Dawladdu ay si joogto ah u wado wacyigelinta xannuunka Coronavirus, waxaanu tilmaamay in warbaahinta gaarka loo leeyahayna ay kor u qaadaan  kaalinta ay kaga jiraan wacyigelinta xunnuunkan oo ay si dhow ugala shaqeeyaan Xukuumadda Somaliland.

Agaasimaha Guud waxa uu intaas ku daray in shacbiga Somaliland looga baahan yahay inay si dhab ah u yaqiinsadaan xannuunkan oo uu tilmaamay in maalmihii dambeeyey ay u jiifsadeen qaar ka mid ah dadka caanka ah ee reer Somaliland.

Waxa kaloo halkaasi ka hadlay masuuliyiin ku hadlayey magaca ururrada Saxaafadda ee SOLJA, WIJA, FIMA iyo ururka Mareegaha Somaliland kuwaasi oo soo dhaweeyey kulankaasi isla markaana sheegay inay diyaar u yihiin inay kaalin wax ku ool ah ka geystaan wacyigelinta xannuunkan adduunka aafeeyey ee Coronavirus.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa sheegay in loo baahan in laga wada shaqeeyo sidii bulshada loogu baraarujin lahaa halista xannuunkaas oo uu tilmaamay inuu saameyn ku yeeshay Somaliland islamarkaana dhimashada iyo waxyeeladiisa laga wada dareemay dalka oo dhan.

Wasiirku wuxuu sheegay in ay wada jir wacyigelinta uga wada shaqeyn doonaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo  Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Wasiir Saleebaan Yuusuf waxa uu u soo jeediyey  Warbaahinta dalka inay joojiyaan  wax ka sheega arrimaha ciidammada, waxaanu tilmaamay in mamnuuc tahay in warbaahintu wax ka sheegto arrimaha khaaska u ah ciidammada.

 DHAMMAAD