Wasaaradda Warfaafinta Jsl Somaliland Ayaa Qaybaha Kala Duwan Ee Warbaahinta Uga Digtay Ka Hadalka Arrimaha Ciidamada.

Hargeysa (WarfaafintaJSL) - War ka soo baxay xafiiska af-hayeenka wasaaradda warfaafinta Cabdilaahi Aadan Cumar ( Wayab), soona gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan:-

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxa ka dhaxeeya heshiis wada shaqeyneed oo ku dhisan ku dhaqanka xeyndaabka  Dastuurka iyo Ilaalinta Xeerka Saxaafadda  ee Lambar 27/2004 ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxana reebban faafinta wixii ka baxsan xuduudaha sharci ee u yaal dalka.

Waxaa Jira hay'ado Warbaahineed oo caadeystay qodqodista arrimaha Ciidammada Qaranka oo ay ka mid yihiin HCTV iyo BULSHO TV, kuwaas oo ku gefay una badheedhay Jebinta Xeerka Saxaafadda ee Lam/27/2004 qodobka 10aad ee qeexaya,MAS'UULIYADDA SAXAAFADDAfaqraddiisa 2aad iyo sidoo kale Qodobka 13aad  ee tilmaamaya,  RAADINTA XAQIIQADA,Faqraddiisa (a), oo ay ku cad yihiin gefafka ay ku kaceen Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv.

Haseyeeshee waxa  u bannaan oo uu isla Qodobka 13aad, faqraddiisa (b)  ku waajibinayaa sida ay u saxayaan marka ay Warbaahini faafiso maclluumaad khaldan amase aan sugneyn sida kuwa aan kor kusoo xusnay oo kale.

 

Xogaha marin-habaabinta ee aan soo xusnay ee ay faafiyeen Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv, waxa ay sidoo kale ku gefeen oo ayjebiyeen Qodobka 34aad, Faqraddiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qeexaya, WAAJIBAADKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA'AANTA  WAAJIBAADKA.

Sidaa awgeed, annagoo tixgelinayna Xeerka Saxaafadda ee Lam 27/2004, qodobka 13aad, faqraddiisa (b) waxan fursad u siinaynaa Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv, in sida uu qodobkaasi dhigayo laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 27 Feb 2021, ay  muddo laba maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa taariikhda aan soo xusnay  ay ku fuliyaan sida uu farayo qodobka 13aad, faqraddiisa (b) hadday dhegaha ka furaystaan sida uu farayo Xeerka Saxaafaddu waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.

Ugu dambayn wasaaradda Warfaafintu waxay uga digaysaa dhammaan Warbaahinta qeybaheeda kala duwan oo ay ka mid tahay Mareegaha iyo baraha bulshadu, inay faraha kala baxaan arrimaha Ciidammada ee uu ka reebay Xeerka Saxaafaddu oo ujeeddada laga lahaa tahay, si aanu cadowgu wax uga ogaan sirta iyo  xaaladaha gudaha ee Ciidammada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ciddii Ilaalin weyda ku dhaqanka Dastuurka dalka iyo Xeerka Saxaafadda, kana waantoobi weyda faragelinta arrim aha Ciidammada, waxa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharci oo aan ka noqosho lahayn.