Wasaaradda Waraafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Jsl Ayaa Abaal Marisay Shaqaalihi Ugu Wanaagsana Sanadkii 2020 Ka

Hargeysa (WarfaafintaJSL) – Masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta iyo Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland ayaa ka qayb galay munaasibad lagu abaal marinaayay 30 xubnood oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSl.


Jaamac Cawil Nuux agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda warfaafinta oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shaqaalahan iyo maduuliyiinta la abaal mariyay markii labaad oo loo sameeyay munaasibad noocan oo kale ah iyada oo abaalmarinta shaqaaluhuna ay sii soconayso.


Maxamed Siciid Muxumed agaasime ku xigeenka waaxda Idaacadaha iyo Xasan Maxamed Yuusuf agaasimihii hore ee Idaacadaha Radio Hargeysa, ahna la taliyaha wasiirka warfaafinta oo ka mid ahaa guddidii soo xushay xubnahaas ayaa sheegay in shaqaalahaasi ay si dhex dhexaad ah u soo xuleen.

Muna Maxamuud Cabdi, agaasimaha waaxda wada xidhiidhka iyo Mustafe Maxamed Nuur Dhereeye, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay shaqaalahaas ku bogaadinayso xulashada sannadkan iyo abaalmarina lagu maamuusay.

Liibaan Ismaaciil Bullaale gudoomiye ku xigeenka hay’adda maamul wanaaga Somaliland ayaa madaxda wasaaradda warfaafinta ku bogaadiyay abaal marinta shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkii 2020, waxaanuu intaas ku daray in arrintaasi ka mid tahay maamul wannaaga, taas oo ah arrinta hay’addaasi qaranka ugu xilsaaran tahay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somalilnd Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa bogaadiyay shaqaalahaas xagga shaqada ugu fiicnaa sannadkii 2020, waxaanu sheegay in qiimaynta shaqaalahaasi ku timi fulinta nidaamka ay dhigtay hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland.

Agaasime Maxamed Yuusuf wuxuu sheegay in masuuliyiinta wasaaraddu ay soo xuleen laba agaasime waaxeed, hal madax qaybeed iyo mid ka mida isu duweyaasha wasaaradaas, waxaanuu agaasimuhu guud ahaan shaqaalaha ku dhiirigeliyay in ay shaqda qaranka u hayaan ay halkaas ka sii wadaan.
Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in shaqaalahaas xulidooda loo maray hab sax ah, oo waafaqsan nidaamka hay’adda shaqaalaha dawlada, waxaanu hambalyeeyay shaqaalahaas iyo masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa beeniyay warar maalmihii u danbeeyay siyaabo qaldan loo fasiray oo ku saabsana wareegtadii wasiirka warfaafintu uu isku badalka ku sameeyay masuuliyiinta wasaaradda qaar ka mid ah.


Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa sheegay in ujeedada abaal marinta shaqaalahaasi ay ka mid tahay dhiirigelinta shaqaalaha iyo dardargelinta shaqada wasaaraddaasi qaranka, waxanu xusay in waaxda shaqaalaha ee wasaaraddaasi ay dadaal muujisay.

Ugu dambayn waxa halkaas shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoonsiiyay soddonkii xubnood ee sannadkii 2020 lagu qiimeeyay inay xagga shaqada ugu wanaagsanaayeen.