Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta oo Xilkii U Kala Wareejiyay Saddex Agaasime Waaxeed

Hargeysa (WarfaafintaJSL) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa xaflad balaadhan oo lagu qabtay Hoolka Wasaaradda Warfaafinta waxa uu Xilalkii u kala wareejiyey Sadex Agaasime Waaxeed oo uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Ugu horayn Maxamed Siciid Muxumed, agaasime ku xigeenka waaxda idaacadaha Radio Hargeysa iyo Sakariye Axmed Muxumed ayaa soo dhaweeyay madaxda cusub ee xilalka loo igmaday, waxaanay sii sagootiyeen masuliyiinta ay xilka kala wareegeen.

Bidix ka Bilow: Agaasimaha Cusub ee Idaacada, Agaasimaha Guud iyo Agaasimihii Hore ee Idaacada radio Hargeysa


Xasan Maxamed Yuusuf agaasimihii hore ee Idaacaddaha Radio Hargeysa ahna, la taliyaha gaarka ah ee dhanka Warbaahinta u qaabilsan wasiirka wasaaradda warfaafinta, Maxamed Xasan Cali Waji agaasimihii hore ee waaxda Tv-ga qaranka, ahna agaasimaha cusub ee waaxda dhaqanka, Cabdi Maxamed Jaamac, agaasimihii hore ee waaxda dhaqanka, agaasimihii hore waaxda qorshaynta Cabdiqaadir Dayib Askar ayaa dhamaantood sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay xilkaas hayeen iyagoo garab ka helaya hawl-wadeenadii shaqadaas uga hooseeyay, waxaanay bogaadiyeen masuuliyiinta iyaga badalaysa.

Bidix ka Bilow: Agaasimihii hore ee Tvga Qaranka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Cusub ee Tvga Qaranka


Maxamed Xasan Cali Waji, agaasimihii hore ee waaxda Tv-ga qaranka Somaliland, ahna agaasimaha cusub ee waaxda dhaqanka, agaasimaha  cusub ee waaxda Idaacadaha Radio Hargeysa, Axmed Ibraahin Cali (Axmed Shiine) agaasimaha cusub ee waaxda qorshaynta ahaana agaasimihii hore ee waaxda filimada, Deeq Aw Cali Yiusuf, agaasimaha Cusub ee waaxda Tv-ga qaranka Cabdirisaaq Cismaan Maxamed, oo halkaas hadalo ka jeediyay ayaa ballan qaadeen inay   xilalkaas u gudan doonaan si daacad iyo xilkasnimo leh, kana sii qaadi doonaan halkii ay masuuliyiintii hore soo gaadhsiiyeen.

Bidix Ka Bilow: Agaasimaha Cusub ee Dhaqanka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimihii hore ee Dhaqanka
Bidix Ka bilow: Agaasimaha cusub ee Qorshaynta, Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyo Agaasimihii hore ee Qorshaynta

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa si rasmi ah ugu kala wareejiyay agaasime waaxeedyada cusub iyo kuwii hore isagoo soo dhaweeyay agaasime waaxeedyada cusub, uguna duceeyay in Alle xilalka uu ku asturo.
Maxamed Yuusuf Agaasimaha wasaaradda warfaafintu waxa kale oo uu sii sagoo tiyay agaasime waaxeed yadaas xilalkaas laga nasiyay iyo kuwa laga bedelay oo uu tilmaamay in ay qaranka u soo qabteen shaqo muhiim ah.

Ugu dambayn qaar ka mida shaqaalaha waaxyaha wasaaraddas ay shahaado sharafyo ku maamuusay agaasime waaxeedyadii wareejiyay xillalkii ay mudada soo hayeen.